Wafdi ka socda Iiraan oo gaaray dalka Cumaan.

0
128

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalalka Khaliijka ayaa bilaabay dadaalo hoos loogu dhigayo  coladda ka dhax aloolsan Iiraan iyo Israaiil.

Wafdi ka socda dalka Iiraan  ayaa lagu soo waramaya inay gareen dalka Cumaan oo labada dhinac ee Iiraan iyo Mareykanka u kala dab qaadaya.

Ilaa hadda lama shaacin xubnaha ka socda dalka Iiraan ee gaaray dalka Cumaan iyo ujeedada socdaalkooda.

Colaadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israaiil ayaa circa isku sii shareertay maalmihii la soo dhaafay iyadoo labada dhinac ay isweydarsadeen gantaalo burbur u geystay xarumaha dowladda, goobo gaar loo lee yahay iyo gooba dad rayid ah degan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here