Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 60 qof oo Tahriibayaal ah ayaa la la’ yahay kadib markii labo doonyood oo ka dhoofay xeebaha Libya ay ku degeen badda Mediterraneanka.
Saraakiil ka tirsan hay’adda IOM (IOM) ayaa telefishinka Al jazeera u xaqiijiyay dhacdan lagu wayay doomahan.
Dhacdadani waxay muujinaysaa halista ay leeyihiin safarrada badda laga galo, gaar ahaan doonyaha aan ku habooneyn, taas oo keenta dhimasho joogto ah oo ay tahriibayaashu la kulmaan.
IOM ayaa sidoo kale sheegtay in 743 qof oo Tahriibayaal ah sanadkan ku dhinteen badda.


