Trump oo sheegay in heshiis xabad joojin ah oo 12 saacadood ah laga gaaray colaadda Iiraan iyo Israaiil.

0
109

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku shaaciyay bartiisa Truth Social in Iiraan iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad-joojin buuxda, taasoo billaaban doonta 6 saacadood gudahood, marka labada dhinac ay dhammeeyaan howlgalladooda ugu dambeeya.

Xabbad-joojintu waxay socon doontaa 12 saacadood, ka dibna dagaalka waxaa si rasmi ah loogu aqoonsan doonaa inuu dhammaaday.

Trump wuxuu intaas ku daray in dagaalkan loogu yeerayo:”Dagaalkii 12-ka maalmood.

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan dowladda Iiraan ayaa u sheegay Telefishinka Al Jazeera haddii Israa’iil joojiso weerarrada inay suurta gal tahay inay dhankooda joojiyaan, basle ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Iiraan oo ku saabsan xabad joojintan Mareykanka uu ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here