Mareykanka oo iibsanaya barta TIKTOK.

0
138

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu helay koox maalqabeenno ah oo danaynaya in ay iibsadaan barnaamijka TikTok ee muuqaallada gaagaaban lagu soo bandhigo.

Wareysi uu siiyay Fox News, Trump wuxuu ku sheegay in arkaasi uu kala caddaan doono qiyaastii laba toddobaad kaddib.

In la iibsado TikTok waxa ay u baahan tahay oggolaansho laga helo Shiinaha, laakiin Trump ayaa u sheegay Fox News in madaxweyne Xi Jinping laga yaabo in aanu diidin dalabkaasi.

Maamulka TikTok ayaa ilaa hadda ka hadlin warkan ka soo yeeray madaxweyne Trump.

Heshiis hore oo TikTok looga iibin lahaa ganacsade Mareykan ah ayaa burburay bishii Abriil, markaas oo dagaal-ganacsiyeed uu ka dhex qarxay Maraykanka iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here