Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha wasiirrada Qatar ayaa ansixiyay mashruuc cusub oo tareen ah oo isku xiri doona dhammaan waddamada Khaliijka.
Mashruucan oo loo yaqaan tareenka Khaliijka, waxa uu qorshihiisu yahay in la dhiso shabakad tareen oo dhererkeedu gaarayo 2,177 km.
Jidadkan tareenka ah ayaa isku xiri doonta dalalka Kuwayt, Sacuudi Carabiya, Qatar, Imaaraadka, Cumaan iyo Baxrayn, sida ay werisay Doha news.
Mashruucan ayaa ah kii ugu sarreeyay oo golaha iskaashiga khaliijka ay si wadajir ah u fulinayaan, si ay dalalkooda ugu rogaan gobol isku furan.


