Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo MagaaladBaydhabo.
Munaasabada Dhagax-Dhiga Madaxweynaha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maaamulka Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Mudane Xasan Maxamed Cabdikariin, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey


