Tirada dadka ku dhintay dadaadka Mareykanka oo korodhay.

0
163

Baladweyne (Radio Beerlula)-Boqollaal samatabixiyeyaal ah ayaa loo daad gureeyay si ay gacan uga geystaan helidda dadka lagu la’yahay bartamaha Texas ee dalka Mareykanka, kadib markii daadad xooggan ay ku dhinteen 51 qof oo ay ku jiraan 15 carruur ah.

Meesha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah deegaanka Kerr oo ay ku dhinteen 43 qof halka 27 carruur ahna lagu la’yahay xero ku taal agagaarka wabiga Guadalupe.
Dadka ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qeybo kale oo ka tirsan gobolka, sida degmada Travis iyo Tom Green.

Digniinno badan oo daadad ah ayaa weli ka taagan bartamaha Texas.
Ilaa 850 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here