Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddada 26-ka Juun

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan, taasi oo uu burbur xooggan kasoo gaaray roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho.

Munasaabadda dhagax-dhigga dhismaha waddadaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan Cali Fahle, Odayaal dhaqan, madaxda Shirkadda Docol oo dhismaha fulineysa.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here