Lamine Yamal Oo Si Lama Filaan Ah U Magacaabay Laacibkii Ugu Fiicnaa Taariikhda Kubadda Cagta

0
154

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa si weyn u amaanay halyeeyga reer Argentine, Lionel Messi, isaga oo ku tilmaamay “ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta”.

Yamal ayaa hadalkan ka sheegay intii uu ka qeybgalayay xaflad xayeysiin ah oo ay shirkadda Adidas ku qabatay magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha. Waxaa la weydiiyay saameynta Messi ku yeeshay kubadda cagta iyo waqtigiisii uu ku qaatay kooxda Barcelona.

Yamal ayaa si kal iyo laab ah u sheegay:

“Aniga ahaan, Messi waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda. Waxaan jeclaa wax kasta oo uu sameeyo — meel walba oo garoonka ah. Ciyaartiisa dhan waxay iigu muuqatay mid qurux badan oo gaar ah.”

Jacaylka Yamal uu u qabo Messi ma aha arrin la yaab leh, maadaama Messi uu yahay halyeey si weyn uga soo muuqday Barca, kuna guuleystay koobab badan isla markaana noqday astaan u taagan kooxda.

Hadallada Yamal ayaa imaanaya xilli uu isu diyaarinayo in uu dib ugu laabto tababarka Barcelona toddobaadkan, kaddib fasax uu ku qaatay Shiinaha iyo dalal kale oo caalamka ah. Waxaa laga filayaa inuu door weyn ka ciyaaro xilli ciyaareedka cusub.

Messi, oo hadda ka tirsan Inter Miami, ayaa weli ah qofka ugu weyn ee dhiirrigeliya jiilasha cusub ee kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here