Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si adag u cambaareeyay amar uu dhawaan Madaxweyne William Ruto siiyey ciidamada booliiska oo ahaa in ay si toos ah u toogtaan dadka marka dibadbaxyadu dhacayaan rabshadaha gaysta gaarahaanna kuwa hantida dadka iyo dowladda waxyeellada u gaysta.
Bayaan uu soo saaray, Raila manata ayuu ku sheegay in amar kasta oo ciidanka booliiska lagu farayo in ay toogtaan, dhaawacaan, cabsi geliyaan ama handadaan muwaadiniinta uu yahay mid khaldan.
Raila oo saami ku leh dowladda ballaaran ee uu hogaamiyo Ruto, ayaa taa beddelkeeda ugu baaqay in la ixtiraamo sharciga iyo in aan la adeegsan xadgudub awooddeysan.
“Dibadbax kasta ama xaalad kasta oo u baahan in la sugo amniga, amar kasta oo oggolaanaya in shacabka la toogto, la dhaawaco, ama la cabsi geliyo waa mid qaldan,” ayuu yiri Raila.
Hadalkaan ka soo yeeray madaxweyne Ruto waxaa sidoo kale aad uga horyimid siyaasiinta dowladdiisa mucaaradka ah ku ah iyo qaar ka mid a a dadweynaha kenyaanka oo u arkay in xaaladda uu uga sii dari karo.


