Manchester United Oo Go’aan Kasoo Saartay Qiimaha Barcelona Ay Ku Heli Arto Rashford

0
81

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Manchester United ayaa weli ku adkaysaneysa in koox walba oo dooneysa Rashford ay bixiso €48 milyan, inkastoo uu hoos uga dhacay qorshaha Ruben Amorim. Sida laga soo xigtay warbixin uu qoray wargeyska AS, Red Devils hoos uma dhigin qiimahaas ay hore u shaaciyeen, kaasoo si dhow ula mid ah qiimeynta Transfermarkt ee €50 milyan.

Rashford ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa intii uu amaahda ku joogay Aston Villa xilli ciyaareedkii lasoo dhafay, isagoo dhaliyay 4 gool kana qeyb qaatay 6 kale 17 kulan gudahood. Tani ayaa dib u kicisay xiisaha Barcelona, oo markii hore mudnaanta siinaysay xiddigaha Nico Williams iyo Luis Diaz.

Rashford ayaa la sheegay inuu doonayo inuu sugo go’aanka Barcelona, inkastoo wakiilkiisa rasmiga ah uu yahay Dwaine Maynard, haddana wadaxaajoodyada waxaa fududaynaya Arturo Canales – oo hore ula soo shaqeeyay tababarihii hore ee Barça, Xavi.

Tababaraha cusub ee Barcelona Hansi Flick ayaa la sheegay inuu ansixiyay qorshaha keenista Rashford, balse agaasimaha ciyaaraha Deco wali si buuxda uguma qancin. Si kastaba, xaalada dhaqaale ee kooxda – gaar ahaan xeerka mushaharka ee 1:1 ee La Liga – ayaa ka dhigaysa heshiiskan mid la sugi karo ilaa xagaaga dambe si qiimo dhimista xiddiga looga faa’iideysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here