Donald Trump oo Midowga Yurub iyo Mexico ugu hanjabay in alaabaha laga keeno uu canshuur ku soo rogi doono

0
137

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Midowga Yurub iyo Mexico ayaa muujiyay niyad-jab kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku hanjabay inuu 30% cashuur ah uu ku soo rogi doono badeecooyinka laga keeno dalalkaasi laga bilaabo 1-da Agoosto ee soo aaddan.

Mexico ayaa cambaareysay waxa ay ku sheegtay “heshiis aan cadaalad ahayn” oo uu Trump wado, waxayna ku adkeysatay in madaxbannaanideeda aysan wax laga gorgortami karo ahayn.

Dhanka kale, Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in EU-da ay qaadi doonto “tallaabooyin is barbar dhig ah” haddii loo baahdo.

Labada dhinacba waxay muujiyeen inay weli doonayaan inay wadahadallo la sii wadaan Mareykanka.

Trump wuxuu sidoo kale ka digay inuu sare u qaadi doono cashuuraha badeecooyinka haddii midkood ka mid ah labada dhinac ay isku dayaan inay ka aargoostaan.

Toddobaadkan sidoo kale Trump wuxuu ku dhawaaqay cashuur cusub oo lagu soo rogay badeecooyinka laga keeno Japan, Koonfur Kuuriya, Canada iyo Brazil laga bilaabo bisha soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here