Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka wasaaradda howlaha guud dib udhiska iyo guryaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamuud Xasan Bariise oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka degmada Beledweyne uu horkacayo gudoomiyaha degmada Baladweyne ayaa kormeeray wadada laamiga ah ee isku xerta Baladweyne iyo magaalada Farlibaax oo dhawaan lasoo gabagabeeyay qeybteeda 1 aad.
Masuuliyiintan ayaa kormeeray sidoo kale xarun caafimaad oo dhawaan laga hergeliyay xaafadaasi iyo wadooyin kale oo burbursan.
Warkan waxa inoo haya Cabdiqaddir Cumar Ibraahin


