Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda ay taageeraan Israa’iil iyo Maraykanku ee la wareegtay raashin qaybinta Gaza ayaa sheegtay ,in rabshado ka dhacay mid ka mid ah xarumahooda gargaarka ay ku dhinteen labaatan qof
Hay’adda GHF waxa ay sheegtay, in hal qof la tooriyeeyay, halka kuwa kale ay ku dhinteen isbuurasho dhacday, taas oo ay ugu yeereen khatar soo wajahday xarunta ku taala Khan Younis.
Waxayna eeda dusha uga tuureen kooxo hubaysan. Waa markii ugu horeysay oo ururka uu qirto dhimasho ka dhacday mid ka mid ah xarumahooda.


