Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee Cuba, Marta Elena Feitó-Cabrera, ayaa lagu qasbay inay xilka iska casisho kadib hadallo muran dhaliyay oo ay ka jeedisay fadhiga baarlamaanka dalkaas, kaas oo ay ku inkirtay jiritaanka dadka tuugsada ee ku nool jasiiradda Shuucigu maamulo.
Wasiiraddu waxay sheegtay in aysan jirin wax la yiraahdo “masaakiin ama dad tuugsada” gudaha Cuba, isla markaana dadka cuntada ka raadsada goobaha qashinka lagu qubo ay taas u sameeyaan si ay lacag fudud ku helaan, ayay tiri”.
Hadalladeeda waxaa si weyn u cambaareeyay dad badan oo reer Cuba ah, gudaha dalka iyo dibeddiisaba, waxaana ka falceliyay madaxweynaha dalka, Miguel Díaz-Canel. Wax yar kadib ayay xilka iska casishay.
Sicir-bararka iyo yaraanta cuntooyinka ayaa si aad ah u kordhay gudaha Cuba iyadoo dalku wajahayo dhibaato dhaqaale oo ba’an.


