Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee xukuumada federaalka ee soomaaliya DR Cali Xaaji Aadam oo uu wehlinayo agaasimaha guud ee wasaarada cafimadka ee xukuumada soomaaliya Dr Guuleed Cabdijaliil ayaa si wadajir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta kaydka talaalka qaranka oo noqon doonta xarun weyn oo lagu kaydin doono tallaalka.
Madasha dhagax dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha isbitaalka forlanini Dr Maxamed Jacfar Cali madaxa talaalka qaranka Dr Maxamed Maxamuud Daro iyo wakiilo ka socday xubnaha gacanta ka gaysanaya hirgalinta mashruuca dhismaha.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdullaahi.


