Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Manchester United ayaa la sheegay inay xiiseynayso goolhayaha da’da yar ee Senne Lammens, oo u ciyaara Antwerp kana tirsan xulka Belgium.
Sida uu sheegay weriyaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Ben Jacobs, kooxda Red Devils ayaa si dhow ula socotay Lammens tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan.
Xagaagan, labada kooxood ayaa horey u yeeshay wadahadallo hordhac ah oo ku saabsan suurtogalnimada heshiis, taasoo muujinaysa in United si dhab ah u danaynayso laacibka.
Lammens, oo 23 jir ah, ayaa bandhigyo wacan sameeyay, taasoo soo jiidatay indhaha kooxda ka dhisan Old Trafford, kuwaasoo doonaya inay xoojiyaan booska goolhayaha – iyadoo la ogyahay in tartanka booska 1-aad ee Andre Onana uu furan yahay.
Inkasta oo aan wali la gaarin heshiis buuxa, haddana iney wadahadallo la furto xiddigan waxay caddeyneysaa in United si dhab ah u eegeyso fursadda ay ku heli karto Lammens.


