Tababaraha Frankfurt Oo Caddeeyay In Ekitike Ku Biirayo Koox Weyn Oo Premier League Ka Dhisan

0
177

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda Eintracht FrankfurtDino Toppmöller, ayaa si maldahan u xaqiijiyay in Hugo Ekitike uu ka tagayo kooxda, xilli wadahadallo horumar leh ay kula jiraan kooxda Liverpool.

Ka dib ciyaar saaxiibtinimo oo uu Ekitike kusoo bilowday kursiga keydka, Toppmöller ayaa yiri:

“Tani waa khasaare xanuun badan. Waxaan wEyney ciyaaryahankeenii ugu fiicnaa, Omar [Marmoush] oo ku biiray Manchester City bishii January. HADDA (Ekitike) ayaa booskaas si layaab leh u buuxiyay, wuuna kobcay. Waxaa suuragal ah in sheekadiisuna hadda dhammaanEyso.”

Warar kala duwan oo la isku halleyn karo ayaa sheegaya in Liverpool ay gudbisay dalab labaad, kaasoo qiimahiisu gaarayo €90 milyan oo ay ku jiraan lacagaha gunnooyinka.

Ekitike ayaa la filayaa inuu saxiixo heshiis lix sano ah oo uu ugu biirayo kooxda Reds, isagoo doonaya inuu tijaabo cusub ka bilaabo horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here