Dhismaha Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arimaha Garsoorka oo laga hirgeliyay Baydhabo oo xariga laga jaray.

0
126

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lagtagareen oo ay Wehliyaan Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Cadaalada Heer Federaal iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismayaal cusub oo casri ah oo loo dhisay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Koonfur Galbeed.

Munaasabadda xarig-jarka ayaa ka dhacday xarumaha cusub ee wasaaradahan, kuwaas oo laga hirgeliyey magaalada Baydhabo oo caasimadd ku meel gaar u ah KG , iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday Hay’adda IOM, Saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala Duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here