Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee maamulka Galmudug, Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Tootoole), ayaa xariga ka jaray xarumo cusub oo loogu talagalay kaydinta calafka xoolaha, kuwaas oo laga hirgeliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Mudug.
Munasabada furitaanka xarumahaan ayaa waxa ka qeyb galay gudoomiye ku xigeenka gobolka mudug Axmed Maxamed Shire maamulka degmada gaalkacyo iyo wakiilo kasocday hayada FAO.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


