Real Madrid Oo Ku Adkeysaneysa Saxiixa Konaté – Inkastoo Liverpool Heshiis Cusub U Bandhigtay!

0
80

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Real Madrid ayaa weli ku adkeysaneysa saxiixa daafaca dhexe ee Liverpool, Ibrahima Konaté, inkastoo Liverpool — oo ah kooxda difaacaneysa Premier League — ay laacibka 26-jirka ah u bandhigeen heshiis cusub oo la wanaajiyay, sida uu qorayo Mundo Deportivo.

Ciyaaryahanka reer France, oo qandaraaskiisu dhacayo Juun 2026, ayaa noqday bartilmaameed weyn oo ay Real Madrid dooneyso inay ku xoojiso daafaceeda, iyadoo lagu amaanay awooddiisa iyo hoggaankiisa dhanka difaaca.

Maadaama Konaté uu geli doono sanadka ugu dambeeya qandaraaskiisa xagaaga dambe, Real Madrid waxay qorsheynaysaa inay ku hesho qaab xor ah 2026, ama qiime u dhaxeysa €20m ilaa €25m xagaagan – taasoo ka hooseysa qiimaha ay Liverpool ku dooneyso oo ah €50m.

Kooxda reer Spain waxay u aragtaa Konaté inuu si fiican ugu habboon yahay qorshahooda difaaca, halka Liverpool-na ay si adag u dooneyso inay sii heysato xiddigeeda, iyagoo la hor yimid heshiis cusub oo la hagaajiyay si uu mustaqbalka ugu sii nagaado garoonka Anfield.

Si kastaba, Mundo Deportivo waxay sheegtay in Real Madrid aysan weli ka niyad jabin saxiixa Konaté, waxayna weli aaminsan yihiin inay ku qancin karaan inuu usoo wareego Santiago Bernabéu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here