Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaaraha Dalka Kanada Mark Carney ayaa sheegay in diidmada Israa’iil ee gargaarka bini’aadanimada Gaza ay tahay xadgudub kahor imaanaya sharciga caalamiga ah.
Hadalka Carney ayaa yimid iyadoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in waddankiisu uu si rasmi ah u aqoonsan doono Dawlad Falastiin ah,bisha Sebtembar ee fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Weerarrada Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 62 qof Khamiistii, wxaana dadka la dilay ku jiray 19 Falastiiniyiin ah oo isku dayayey inay urursadaan gargaarka aadka loogu baahan yahay.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 2 malyan oo ruux oo ku xayiran Qasa ay u baahan yihiin islamarkana ku dhawaad 26 caruur ah ay u dhinteen gaajo.


