Baledweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka cusub ee Arsenal, Viktor Gyokeres, ayaa shaaca ka qaaday hamigiisa iyo rabitaankiisa ah inuu noqdo mashiin goolal dhalin ah marka uu xirto maaliyadda kooxda Gunners.
🗣️ Gyokeres ayaa yiri:
“Mar walba waxaan doonayaa inaan dhaliyo goolal.
Ka mid ahaanshaha kooxdan, goolal inaan u dhaliyo anigoo xiran maaliyaddan iyo astaanteeda taageerayaasha hortooda — waan sugi kari la ahay. Waa dareen cajiib noqon doona.”
Wuxuu ku soo billaabay xirfadiisa England, isagoo xusay :
“Waxaan dareemayaa in aan si weyn u koray tan iyo markaas. Hadda waxaan doonayaa inaan runta muujiyo oo aan kooxda u horseedo waxqabad dhab ah.”
Isagoo ka hadlayay xulka qaranka Sweden iyo tartamada waaweyn, wuxuu yiri:
“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan dalkayga u ciyaaro oo aan goolal u dhaliyo.
Markii aan joogay Sporting, waxaan dhaliyay goolal Champions League ah, taasoo igu kaliftay inaan aamino in aan heerkaas ka mid ahay.”
Xog muhiim ah:
- Gyokeres wuxuu dhaliyay 63 gool 58 kulan oo uu u ciyaaray naadiga iyo qaranka xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.
- Arsenal ayaa u aragta laacibkan inuu yahay – No.9 goolal dhalin kara oo ay ku hamminayeen sanado badan.
Wuxuu intaas ku daray:
“In aan imid koox heerka Arsenal ah waxay iga caawin doontaa inaan sii wanaajiyo waxqabadkeyga, anigoo ka garab ciyaaraya ciyaartoy layaab leh. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imid kooxdan”


