Imaaraatka iyo Urdun oo gargaar hawada uga soo daadiyay Qasa

0
189

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Diyaaradaha ciidanka Cirka ee Boqortooyada Urdun iyo Imaaraatka Carabta  ayaa cunno gargaar ah oo dhan 25 tan iyo sahay kale   hawada sare uga soo daadiyay dadka degan magaalada Qasa sida uu ku waramay Telefishinka qaranka Urdun.

Labo diyaaradood oo nooca C-130 ah oo laga leeyahay dalka Urdun iyo mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraatka Carabta ayaa ku lug lahaa howlgalka, waxaana la beegsaday dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Qasa, sida ay warbixintu sheegtay.

Telefishinka qaranka Urdun ayaa intaa ku daray in gargaarkii ugu dambeeyay ee la soo gaarsiiyey ay ka dhigayso tirada guud ee goobaha diyaaradaha ee Urdun tan iyo markii uu dagaalka Qasa ka bilowday ay gaartay 127.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in saddexdii qof ee reer Qasa ah mid ka mid ahi aanu wax cunin maalmo isla markaana 90,000 oo haween iyo carruur ah ay u baahan yihiin daweyn degdeg ah oo ay ku tilmaantay “macaluul baahsan oo bini’aadamo.

Dadka ku nool magaalada Qasa oo lagu qiysaaso  2.1 milyan ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo kadib markii israaiil ay hakad galisay gargaarkii ay heli jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here