Baledweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Galmudug Cumar Cismaan Ciid ayaa magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ku soo xiray tababar ku saabsanaa tacbashada wanaagsan, ka hortagga cayayaanka iyo cudurrada ku dhaca beeraha.
Tababarkan oo loo qabtay dad beeraleey ah ayaa mudadii uu socday waxaa ka faa-idestayaasha la geeyay beeraha si aay u saameeyaan tijaabo wixii la baray.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.


