Shir looga hadlay doorka bulshada rayidka ee ilaalinta iyo dhaqancelinta Maxaabiista oo lagu qabtay Muqdisho.

0
142

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta daahfuray shir diiradda lagu saaray doorka bulshada rayidka ee ilaalinta iyo dhaqan-celinta Maxaabiista.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda Wasaaradda Caddaaladda, Taliska Asluubta iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ka qeybgalka bulshada ee dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda iyo adeegyada Maxaabiista.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here