Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sanadkasta marka la gaaro 28-ka Luulyo maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Hepatitis-ka oo ah muhiim u ah bulshada caalamka, si looga wacyigeliyo halista cudurka hepatitis-ka, loona dhiirrigeliyo tallaabooyin lagu baabi’in karo.
Sanadkan 2025, hal-ku-dhigga maalinta ayaa ah: “Hepatitis-ka ha la baabi’iyo!” Baaqan ayaa lagu muujinayaa baahida degdegga ah ee dunidu u qabto in la xoojiyo wacyigelinta,
Hepatitis ayaa ah barar ku dhaca beerka oo inta badan ay keento fayras. Bararkani wuxuu dhaawacaa unugyada beerka, wuxuuna sababi karaa xanuun joogto ah, beer xanuun daran ama kansar.
Dhageystayaal, sida ay sheegtay Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 325 milyan oo qof dunida ku nool ay qabaan hepatitis B ama C. Nasiib darro, 90% dadkaas ma oga in ay cudurka qabaan. Tani waxay keentay in cudurku si xowli ah ugu faafo bulshooyin badan.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


