Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay waxay Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Tahriibinta Dadka u asteysay sanadkii 2013 si loogu baraarugo halista iyo baaxadda dambiyada la xiriira tahriibinta dadka.
Dalkeena Soomaaliya waxaa uu kamid yahay meelaha uu aad ugu jiro khatarta tahriibinta Dhalinyarada kuwaasi oo looga faaidaystay dhibaatooyiinka iyo duruufaha dhaqaale oo ay wajahaan.
“Tahriibintu waa mid ka mid ah dambiyada ugu waaweyn ee dunida, kadib daroogada iyo hubka sharci darrada ah. Sanad kasta waxaa la tahriibiyaa dad ka badan 25 milyan oo qof kuwaasi oo isugu jira haween, caruur iyo dhalinyaro waxa ayna la kulmaan tacadiyo badan sida Addoonsi, kufsi iyo Jirdil.
Tahriibka dadka waa dhibaato caalami ah, balse wuxuu si gaar ah u saameeyaa bulshada Soomaaliyeed. Waxaa jira kumannaan Soomaali ah oo nolol ka raadinaya dalal shisheeye iyaga oo si sharci darro ah ugu safra saxaraha, badaha iyo dhulka aan cidina maamulayn.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


