Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaarada dib u dajinta iyo arimaha bini,aadannimada ee somaliland ayaa maanta ka daah furtay barnaamijka dib-u hubinta xogta dadka qaxoontiga ah ee ku sugan Magalda Boorame ee gobolka awdal.
barnaamijkan dib u hubinta dadka qaxootiga ah ee ku sugan somaliland oo socon doono mudo 6 cisho ah si loo hubiyo dadka soo galootiga ah waxaana furitaanka ka qeyb galay masuuliyiin kasocday laanta socdaalka somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hey,ada qaxootiga aduunka ee UNHCR.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.


