Baladweyne ( Radio Beerlula )-Aqalka Cad e Mareykanka ayaa ku dhawaaqay canshuuro hor leh oo lagu soo rogay tobanaan dal, kuwaas oo aan weli heshiis ganacsi la galin Mareykanka.
Inta badan tillaabooyinkan ayaa lagu wadaa inay dhaqan galaan toddobo maalmood gudahood.
Balse saacadaha soo socda alaabaha laga keeno dalka Canada ayaa waxay wajihi doonaan canshuur dhan 35%
Canshuuro dheeri ah ayaa sidoo kale lagu soo rogay dalal kooban oo ay ku jiraan Suuriya, Laos iyo Switzerland.
Ha yeeshee khubarada dhaqaalaha ayaa ka digaya canshuurtan cusub oo ay sheegeen inay saameyn ku yeelan doonto macaamiisha gudaha dalka.


