Dal bilaabay in muwaaddiniintooda lacagta ku siiyaan si ay carruur badan dhalaan.

0
97

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda dalka shiinaha ayaa dhawaan billowday barnaamij cusub oo lagu bixinayo dhaqaale lacageed oo la siinayo qoysaska dhalaya, si loola dagaallamo heerka dhalmada ee sida xawliga ah hoos ugu sii dhacaya.

Qoysaskan ayaa heli doonaan qiyaastii $500 sannadkii ilmo kasta oo ka yar saddex sano.

Barnaamijkan ayaa la filayaa in ay ka faa’ideystaan in ka badan 20 milyan oo qoys oo ku nool dalka.

Waa kabkii ugu horreeya ee dawladda ay ku kabayso qoysaska, waxaana looga gol leeyahya in lagu kordhiyo heerka tirada caruurta dhalanaysa.

Heerka caruurta ku dhalanaysa Shiinaha ayaa hoos u dhacayay, xitaa ka dib markii xisbiga shuuciga ah ee talada haya uu soo afjaray siyaasadiisii ku dhisnayd hal cunug ku dhawaad toban sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here