Real Madrid Oo Qandaraaska U Kordhineysa Vinicius Jr

0
188

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Jr. ayaa wajahaya xilli ciyaareed go’aamin doona mustaqbalkiisa Real Madrid, iyadoo wararka qaar sheegayaan in kooxda ay diyaar u tahay inay iibiso haddii uu markale ku guuldareysto in uu la yimaado heer ciyaareed joogto ah.

Weriye Julio Pulido oo ka tirsan barnaamijka El Larguero ayaa sheegay in xilli ciyaareedka soo socda uu yahay mid go’aamin doona qandaraaska cusub ee Vinicius.

“Xilli ciyaareedkan Vinicius ayaa miiska saaran. Waa xilli uu wax badan ku waayi karo, gaar ahaan qandaraaska uu doonayo in la cusbooneysiiyo,” ayuu yiri Pulido.

“Waa haddii markale uu yimaado xilli ciyaareed ay mar walba buuq la socdaan. Taasi waxey mugdi gelineysaa rajadiisa ah inuu helo heshiis malaayiin euro ah.”

“Waa wax kaloo dhaawici kara xiriirka fiican ee uu la lahaa taageerayaasha – xiriir illaa hadda aan la jebin.,” ayuu sii raaciyay.

Vinicius Jr. ayaa la sheegayaa inuu doonayo mushaar la mid ah kan Kylian Mbappe oo gaaraya €30 milyan sanadkii, iyo gunno saxiix oo weyn si uu u saxiixo heshiis cusub.

Laakiin iyadoo Madrid ay fahamsan tahay in dhaawacyo ay saameeyeen Vini, haddana waxqabadkiisa ayaan weli gaarin heerka xiddiga Faransiiska ah ee Mbappe.

Kooxda Los Blancos ayaan diyaar u ahayn marmarsiiyo kale xilli ciyaareedka dambe – haddii uu hoos u dhaco, waxay si dhab ah u tixgelin doonaan inay iska diraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here