Ilmaha ‘ugu da’da weyn’ adduunka oo dhashay 30 sano kadib

0
103

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qoys ku nool dalka Mareykanka ayaa waxaa u dhashay wiil ka beermay ugxanta haweeney iyo manida ninkeeda oo lagu qaboojiyay baraf in ka badan 30 sano taasoo taariikh cusub ka dhigtay caalamka.

 

Lindsey, 35, iyo Tim Pierce, 34, ayaa soo dhaweeyay wiilkooda, Thaddeus Daniel Pierce, Sabtidii. Pierce ayaa u sheegay MIT Technology Review in qoyskiisu ay dhacdada la barbar dhigeen “wax ka baxsan filashada sayniska.”

 

Marka la isku daro manida iyo ugxanta ayaa waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa (embryo). Waxaa kaddib lagu keydiyaa sheybaar in muddo ah illaa ay ka gaarto heer lagu beeri karo minka haweeney.

 

Waxaa la rumeysan yahay in tani ay rikoor cusub u tahay muddada ugu dheer ee ugxanta la keydiyo kaddibna ay ka dhashaan caruur. Rikoorkii hore waxaa haystay mataano dhashay 2022 ka kuwaas oo ugxantooda la qaboojiyay 1992kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here