UK oo lagu xiray dad ka bannaan baxayay soo-galootiga

0
126

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ilaa 15 qof ayaa la xiray ka dib mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dalka Ingiriiska oo lagu qabtay bannaanka hoteello ay deggenaayeen dadka magangelyo-doonka ah.

Kooxaha ka soo horjeeda soogalootiga iyo kuwa ka dhanka ah mudaaharaadayaasha ayaa isku dhacay gudaha London iyo Newcastle, iyo ka hor isu soo bax ka dhici lahaa bartamaha magaalada Manchester.

Sagaal qof ayaa lagu xiray caasimadda, oo toddobo ka mid ah ay ku xad-gudbeen sharciga nidaamka dawliga ah, bilayska caasimadda ayaa sheegay.
Mudaaharaadyo xiriir ah oo ka dhacay bannaanka hoteellada muhaajiriinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here