Kylian Mbappe Oo Shaaciyay Qorshihiisa Ugu Weyn Xilli Ciyaareedka Cusub

0
78

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka kooxda Real MadridKylian Mbappé, ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ugu haminayo guul iyo waxqabad weyn xilli ciyaareedka cusub.

– Advertisement –

Mbappe oo 26 jir ah ayaa fariin dhiirrigelin leh soo dhigay Instagram-kiisa fiidnimadii Isniinta, wuxuuna yiri:

“Xilli ciyaareedka cusub, waxaan u oomanahay inaan wax weyn sameeyo oo aan koobab ku guuleysto.
Aan wada soconno, Madridistas. HALA MADRID.”

💥 Mbappe & Xilli Ciyaareedkan:

  • Mbappé ayaa ah kabtanka xulka France iyo lambarka 10-aad ee cusub ee Real Madrid.
  • Waxa uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 44 gool, isagoo ku guuleystay abaalmarinta Pichichi iyo Golden Boot.
  • Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu noqon doono xiddiga rigoorooyinka u laadi doona  kooxda Alonso xilli ciyaareedkan.

Mbappé ayaa sanadkii hore uga soo wareegay Paris Saint-Germain kooxda Los Blancos, waxaana lagu tilmaamayaa inuu yahay tiir dhexe oo kooxda lagu dhisi doono sannadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here