Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Masar ayaa billowday olole balaadhan oo lagu xidh xidhayo dhalinyarada baraha bulshada Isticmaasha, gaar ahaan kuwa TikTok-ta ku faafiya muuqaalada anshax-xumada iyo hadallada aflagaadada ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi la xidhay, halka kuwo kalena lagu daba jiro, iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga.
Masar ayaa sanadihii u dambeeyay xoojisay dagaal ka dhan ah dadka dhaqan-xumada ku faafiya baraha bulshada.
Sidoo kale, barnaamijka TikTok oo si weyn looga isticmaalo deegaannada Soomaalida ayaa dhibaato ku haya bulshada qaybaheeda kala duwan.


