Dadka dalbanaya dal ku galka Maraykanka oo laga doonayo ilaa $15,000 oo doolar oo rahan ah.

0
95

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka codsanaya fiisaha ganacsiga iyo dalxiiska looga baahan karo inay dhigaan illaa $15,000 oo doolar si ay dalka u soo galaan.

Barnaamijkan tijaabada ah, oo la filayo inuu bilawdo laba toddobaad gudahood, ayaa looga golleeyahay in looga hortago dadka iska jooga dalka kadib markii uu ka dhamaado waqtigii loo qoondeeyay.

Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dad badan ay ku adkeyneyso in ay dalka soo galaan.

Sida ku cad ogeysiiska diiwaangelinta dowladda federaalka, nidaamkan waxaa lagu fulin doonaa si tijaabo ah dalal la xushay 12ka bilood ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here