Khuburada caafimaadka oo sheegay in cabista biyaha badan uu door ka qaato caafimaadka kalyaha.

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cabista biyaha badan uu door muhiim ah ka qaadato caafimaadka kalyaha iyo xubnaha kale ee jidhka bini’aadamka.
Dhakhaatiirtu waxay inta badan kula taliyaan dadka in ay ilaaliyaan kana warqabaan caafimaadka kelyahooda. Talootyinkaas waxa ka mid ah in ay cunaan xaddi dhexdhexaad ah oo milix ah, ka fogaadaan sonkorta xad dhaafka ah iyo in aanay isticmaalin dawooyinka xanuunka baabi’iyaha haddii aanu qofku hasyan talo dhakhtar.

Tallaabooyin kale oo badan ayaa sidoo kale lagula talinayaa si looga fogaado cadaadiska xad-dhaafka ah ee kelyaha.

Dr. Vivekanand Jha, agaasimaha ee Mac’hadka Caafimaadka Caalamiga ee George waa mid ka mid ah khabarrada ku takhasusay kelyaha wuxuu sheegay in biyuhu ay jidhka uga baxaan siyaabo badan, sida dhididka iyo neefsashada. Intaa waxaa dheer, waxaa jira qaar ka mid ah habab kale oo aan la arki karin kuwaas oo ay biyihu jidhka kaga baxaan. Sidaas daraadeed, ugu yaraan 700 ml ilaa 800 ml oo biyo ah ayaa lagama maarmaan u ah qof weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here