Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daafaca Paris Saint-Germain iyo xulka Morocco, Achraf Hakimi, ayaa si toos ah uga hadlay eedeymaha culus ee loo jeediyay, isagoo wareysi gaar ah siiyay Canal+.
Hakimi, oo wajahaya codsi maxkamadeyn ah oo ka yimid xafiiska dacwad-oogaha Nanterre, ayaa sheegay inuu degan yahay oo aan waxba ka qoomamayneyn.
“Waan deganahay. In si been ah laguugu eedeeyo waa arrin xun oo aan cadaalad ahayn. Qofna ma jeclaan laheyn inuu la kulmo. Waan ogahay in runtu soo bixi doonto. Dadka i yaqaanna way fahmayaan,” ayuu yiri Hakimi.
Kiisku wuxuu la xiriiraa dhacdo la sheegay inay dhacday bishii Febraayo 2023, kadib markii haweeney 24 jir ah ay ku eedeysay Hakimi kufsi, iyagoo markii hore ku kulmay Instagram. Dacwad-oogayaasha Faransiiska ayaa dhawaan ku taliyay in kiiska maxkamad loo gudbiyo, taas oo haddii lagu helo uu la kulmi karo xabsi gaaraya ilaa 15 sano.
Qareennada Hakimi ayaa dhaliilay go’aanka dacwadda loo gudbiyay maxkamadda, iyagoo sheegay inay jiraan is-waafajin la’aan iyo khaladaad ku jira hadallada iyo qiimeynta nafsaaniga ah ee dacwad oogaha.
Hakimi ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisa: “Waan deganahay, waxaan diiradda saarayaa qoyskeyga iyo kubadda cagta. Sidaan horey u iri, runtu way soo bixi doontaa.”


