Baladweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa diiday inay iibiso ciyaaryahanka reer Talyaani ee Federico Chiesa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, inkasta oo dhowr koox oo Talyaani ah ay isku dayeen inay la saxiixdaan.
Wargeyska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Inter Milan iyo Napoli ay maalmahan dambe muujiyeen xiisahooda ku aaddan Chiesa, balse isku daygoodii muusan mira dhalin kadib markii ay ku fashilmeen iney helaan wax jawaab ah oo kaga timid kooxda Ingiriiska.
Wargeysku wuxuu sheegay in ciyaaryahanku uu si toos ah ula kulmay tababaraha Arne Slot, halka wakiilkiisuna uu la kulmay maamulka Liverpool, kuwaas oo xaqiijiyey inay ku adkaysanayaan sii heysashada Chiesa, maadaama kooxda ay u baahan tahay ciyaartoy garbaha ka ciyaarta, iyadoo xulashooyinku ay kooban yihiin.
Qandaraaska Chiesa ayaa soconaya illaa saddex xilli ciyaareed oo kale kaddib markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii hore, hase yeeshee illaa hadda fursad joogto ah kamuusan helin safka koowaad.
Inkasta oo suuqa kala iibsiga u dhow yahay inuu xirmo, Liverpool weli ma aysan furin albaabka bixitaankiisa. Warbixintu waxay intaas ku dartay in Chiesa loo arko xulasho ku habboon tababare Antonio Conte, halka ciyaaryahankuna uusan ka hor imaan doonin inuu dib ugu laabto Talyaaniga si uu mar kale isu muujiyo uguna dagaallamo boos joogto ah oo xulka qaranka Talyaaniga.


