Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaka diiwaan-geliyey goobta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee degmada Warta-Nabadda ayaa ku ammaanay Guddiga Doorashooyinka Qaranka tallaabooyinka ay u qaadeen qabsoomidda doorashooyinka tooska ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, wasiiro, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa is diwaangelin ku weheliyay madaxweynaha.
waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


