Dowladda koonfurta Sudan oo beenisay inuu socdo qorshe dalkooda lagu dejinayo Falastiiniyiinta laga rarayo Qaza.

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Arrimaha Dibadda koonfurta Sudan ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku beeninayso warar ay baahiyeen warbaahanno qaarkood, kuwaas oo ku saabsan in dowladdu ay wadahadallo la leedahay Israa’iil si Falastiiniyiinta looga soo rarayo Gaza la dajiyo gudaha dalka koonfurta Sudan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana aysan ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ama siyaasadda dowladda.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan warbaahinta inay ka taxadaraan arrimahan, ayna xaqiijiyaan xogta ka hor intaan la daabicin, iyagoo adeegsanaya ilo rasmi ah.

Warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xilli warar ay soo tebiyeen ilo kala duwan ay sheegayaan in Israa’iil ay raadineyso meel la dejiyo dadka reer Qaza ee ka barakacay dagaalka islamarkana ay dooneyso inay qaadato dhulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here