Baladweyne ( Radio Beerlula )-Aagaasinka waxbarashadda gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir kaasoo sannadkan ay ka qeyb galeen in ka badan 41 kun oo ardey, waxana imtixaankan ku dhacay in ka badan 2,800 oo ardey.
Munaasabadda lagu shaacinayay natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, ku xigeennadiisa, xoghayaha gobolka, agaasinka waxbarashadda, waalidiin, ardeyda kaalmaha hore ka galay imtixaanka iyo marti sharaf kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sahro Ibraahim Dhicisoow


