DEG-DEG: Chelsea Oo Heshiis Shaqsi La Gaartay Garnacho

0
163

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sida uu sheegay wariyaha suuqa Ben Jacobs, Chelsea ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay  Alejandro Garnacho.waxaa la xaqiijiyay in maalmaha soo aaddan uu ku biiri doono kooxda garoonka Stamford Bridge.

Wadahadallada labada koox ee Chelsea iyo Manchester United ayaa la sheegay inay meel wanaagsan marayaan. United waxay weli ku qiimeyneysaa garabka reer Argentina qiyaastii £50 milyan, halka Chelsea ay doonayso in heshiisku uusan ka sare marin £40 milyan.

Garnacho ayaa ka baxay qorshayaasha tababaraha United Ruben Amorim ee xilli ciyaareedka 2025/26, kaddib markii uu booskiisa waayay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here