Maamulka gobolka Hiiraan oo heshiis kala dhax dhigay laba beelood oo xur guf ku dhaxmartay deegaanno hoos taga degmada Matabaan.

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ku guuleeystay inoow heshiid dhax dhigo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Deegaano hoostaga Dagmada Matabaan ee gobolka Hiiraan isaga oo labada beel u kala wareejiyay Diyada ama (Magta)10 ruux oo ku Geeriyootay colaadii labadaasi beelood ee Walaalaha ah dhaxmartay

waxa Goob- joog ka ahaa dhameeystirka madasha Tariikhiga ah ee lagu gaaray xalka waaro Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Xasan Ibraahim Cabdulle, guddoomiyaha Degmada Matabaan mudane Bashiir Sheekeeye, Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobalka hiiraan Col Isaaq Cali Cabdulle, Saraakiisha ciidamada Qalabka sida ee NISA iyo Xoogga dalka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here