Wada hadal aan natiijo lagu gaarin oo dhaxmaray hogaamiyaha Ruushka iyo Mareykanka.

0
74

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay sameeyeen “horumar weyn” kadib wadahadallo ay ku yeesheen Anchorage, Alaska dalka Mareykanka hase yeeshee xabbad joojin Ukraine laguma guulaysan.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo gaari lahaa xabbad joojin, balse wax heshiis ah oo rasmi ah lagama gaarin.

Warsaxaafadeed kooban oo laga soo saaray Kremlin-ka ayaa tilmaamay in kulankaas uu dhigay saldhig ay labada dhinac ku sii wadi karaan wada shaqeyn ku wajahan xalinta khilaafka, iyagoo diiradda saaraya helidda fursado nabadeed oo la isku raacsan yahay.

Trump wuxuu sheegay in kulanka uu ahaa mid horumar siyaasadeed lagu gaaray, laakiin wuxuu qiray in wax heshiis rasmi ah oo xabbad joojin ah aan la gaarin.

Trump wuxuu si xoog leh ugu baaqay in wadamada Yurub ay wax badan ka qabtaan dagaalka Ukraine, halkii ay daawadayaal ahaan lahaayeen.

Dhanka Putin ma uu soo bandhigin “horumar” muuqda; halkii wuxuu uga digay Ukraine iyo xulafada Yurub inaysan “carqaladayn” wadahadallada uu Trump hoggaaminayo, isagoo muujiyay inuu diyaar u yahay wadahadal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here