Baladweyne ( Radio Beerlula )-Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallada dheeraadka ah ee lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine ay tahay in si toos ah diiradda loogu saaro heshiis nabadeed oo buuxa, halkii laga hadli lahaa xabad-joojin. Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada kadib shir muhiim ahaa oo uu la yeeshay Vladimir Putin oo ka dhacay Alaska, kaasoo aan lagu gaarin wax heshiis ah.
Mr Trump wuxuu xaqiijiyay in dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu booqan doono Aqalka Cad Isniinta. Wuxuu sidoo kale sheegay in kulan kale oo lala yeesho Mr Putin la qorsheyn karo.
Madaxweynaha Ukraine, Mr Zelensky, wuxuu dadaal ugu jiraa in Ukraine lagu daro wada-hadallada mustaqbalka ee lala yeelanayo Ruushka. Trump ayaa Zelensky iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub khadka telefoonka kula hadlay isagoo uga warbixiyay shirkii dhex maray isaga iyo Putin-ka Ruushka.


