Baladweyne ( Radio Beerlula )-Chelsea ayaa maanta furaysa xilli ciyaareedkooda Premier League iyagoo la ciyaaraya Crystal Palace, waxaana tababaraha kooxda Enzo Maresca uu sheegay in ciyaartoydiisu diyaar u yihiin dagaalka horyaalka cusub.
Maresca, oo ka hadlay shirkiisa jaraa’id ka hor ciyaarta, ayaa shaaca ka qaaday in xagaagan diyaarinta kooxdu ahayd mid aan caadi ahayn:
“Markii aan bilownay tababarka xilli ciyaareedka, ma sameynin wax baaritaanno caafimaad ah. Waxaan kulamada diyaar garowga ku billownay ciyaartii Leverkusen. Illaa hada ma jiraan wax tijaabo caafimaad aan sameynay.” Ayuu yiri Maresca
Tababaraha Talyaaniga ayaa intaas ku daray in jawiga kooxda uu yahay mid wanaagsan, taasoo ka dhalatay qaabkii ay ku dhammaysteen xilli ciyaareedkii hore:
“Waxaan ku dhammaysannay xilli ciyaareedkii hore qaab fiican, ciyaartoyduna aad bay u faraxsan yihiin. Waa muhiim inaan ku bilowno sidaas oo kale, ama aan kasii wadno meeshii aan ka joognay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.”
Maresca ayaa qirtay in horyaalka mar walba uu leeyahay waqtiyo adag:
“Xilli ciyaareed kasta waa caadi in mararka qaar aad ciyaaro badan oo isku xiga ku guuleysato, mararka qaarna aad ku dhibtooto. Laakiin waxaan u baahanahay inaan sii wadno dadaalkii iyo qaabkii wanaagsanaa ee aan ku dhamaysannay xilli ciyaareedka.”
Chelsea ayaa rajeynaysa inay sanadkan si xooggan ugu dagaalanto horyaalka, iyadoo taageerayaashu ay rajo weyn ka qabaan Maresca iyo ciyaartoydiisa.


