Trump oo ku adkaynaya Ukraine inay aqbasho heshiiska nabada ee Ruushka

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in diidmada Ruushka ee ah in la ogolaado xabbad joojinta ay adkeyneyso dadaallada lagu joojinayo dagaalka.
“Waxaan aragnaa in Ruushku uu diiday baaqyo badan oo xabbad-joojin ah oo aannu weli go’aamin goorta uu joojinayo dilka. Tani waxay sii adkeynaysaa xaaladda,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horey loo oran jiray Twiter.
Hogaamiyaha Ukraine iyo hogaamiyaal kale oo ka tirsan dalalka Yurub ayaa maalinta beri ah u safri doonaa Washington DC, halkaasoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu ku boorin doono Zelensky inuu aqbalo heshiis nabadeed.
Trump ayaa sheegay in uu doonayo in uu ka gudbo xabad joojinta Ukraine si uu si toos ah ugu gudbo heshiis nabadeed oo joogto ah ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here