Mareykanka oo 6,000 oo arday ka joojiyay fiisooyinka

0
124

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegtay BBC-da in in ka badan 6,000 oo fiisooyin ardayda caalamiga ah laga hakiyay sababo la xiriira “ku xadgudubka sharciyada Mareykanka iyo joogitaanka muddadii loo oggolaa dalkaas oo ka badsadeen.”

Wasaaraddu waxay Isniintii sheegtay in “tirada ugu badan” ee xadgudubyadan ay ka mid yihiin weerarro jireed, daroogada iyadoo la wado gawaari, xatooyo iyo “taageeridda argagixisada.”

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maamulka Madaxweyne Trump uu sii wado siyaasaddiisa adag ee la xiriirta socdaalka iyo ardayda caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay shaacisay in in ka mid 6,000 oo dal ku gal la hakiyay, ku dhawaad 4,000 waxaa loogala laabtay sababo la xiriira ku xadgudubka sharciyada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here